Xog: JANAN oo saddex bil kadib ka dhoofay Muqdisho iyo qorshaha safarkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan ayaa markii ugu horreysay ka dhoofay Muqdisho saddex bilood kadib markii uu dowladda federaalka la galay heshiis uu isku dhiibay. 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Janan ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo la xiriirka ujeedka safarkiisa oo uu ku wehliyo Wasiiru Dowlaha Gaadiidka dowladda federaalka Cabdiraxmaan Dheere.

Cabdiraxmaan Dheere, oo ay aad isugu dhow yihiin taliyaha Nabad-Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin, ayaa ahaa ninkii hoggaaminayay wada hadalkii iyo qorshihii Cabdirashiid Janan isugu soo dhiibay dowladda, kadibna lagu keenay Muqdisho.

Weli si rasmi ah looma oga ujeedka safarka Janan ee Addis-Ababa, waxaana kasoo baxaya warar is-khilaafsan oo qaarkood ay sheegayaan inuu arrimo baasabor u tagay, halka kuwa kalena ay sheegayaan inuu u tegay qorshe ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Gobolka Gedo, oo ay suurta-gal tahay inuu uga sii gudbo 

Caasimada Online ayaa qortay 12-kii May, ayada oo soo xiganeysa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan gobalka Gedo, in ciidamadii Cabdirashiid Janan ee la heshiiyey dowladda Soomaaliya ay diideen in lagu daro ciidanka dowladda ee ku sugan qeybo kamid ah gobalka. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in ciidanka Janan ay sharuud ku xireen ku biirista ciidanka dowladda, taasoo ay ka biya diideen saraakiisha dowladda ee ku sugan gobalka Gedo. 

Ciidanka Cabdirashiid Janan ayaa dalbaday in la siiyo guddoomiyaasha degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beladxaawo. Sidoo kale ciidankaan Janan ayaa dalbaday in la siiyo taliyaasha degmooyinkaas ee Nabad Sugidda ama taliye ku-xigeenada.