Yaa lala xiriirinayaa dilka Najma Cabdullahi, gabadhii Soomaaliyeed ee Mombasa?

Mombasa (Caasimada Online) – Haweeney lala xiriirinayo dilka Najma Cabdullaahi, oo aheyd gabar Soomaali ah oo 19-jir ah, taasi oo lagu dilay magaalada Mombasa ah ayaa lagu maxkamadeynayaa magaaladaas.

Maxkamadeynta Faa’isa Cali Xasan oo ah gabadha lagu tuhunsan yahay inay dilka ka dambeyso ayaa dib loo dhigay kadib markii ay Faa’iso sheegtay inaysan fahmi karin luuqadaha English-ka iyo sawaaxiliga, sidaas darteedna aysan ka jawaabi karin codsi uu sameeyey sarkaalka baaritaanka gacanta ku hayo.

Garsooraha sare ee deegaanka Vincent Adet ayaa amar ku bixiyay in Faa’iso la sii hayo laba maalmood iyada oo maxkamadu ay raadineyso turjumaan Soomaali ah oo u kala turjumo maxkamadda iyo eedeysanaha.

Faa’iso ayaa lagu eedeeyey inay aheyd qofkii ugu dambeeyey ee lala arko Najma Cabdullaahi kahor intaan laga helin iyadoo miir daboolan agagaarka Dongo Kungu.

Najma ayaa u dhimatay dhaawacyo loo geystay saacado yar kadib markii lagu daweynayay isbitaalka degmada Port Reitz halkaas oo booliska ay geeyeen.

Sida laga soo xigtay warqadda dhaarta ah ee sarkaalka baaritaanka John Mutwiri, Faa’iso ayaa ah eedeysanaha ugu muhiimsan ee dilka Najma oo ay saaxiib la aheyd isla markaana ay haysay macluumaad muhiim ah oo ku saabsan dilka.

Mutwiri wuxuu sheegay in gabadha dilka lagu tuhunsan yahay ee Faa’iso la arkay iyadoo la socoto marxuumadda dhimatay fiidkii 9-kii Juun oo ah isla maalintii Najma la waayey.

Marxuumadda ayaa ka tagtay gurigeeda oo ku yaal aagga Chaani abbaare 6-dii fiidnimo waxayna ku wargalisay walaasheed inay raaceyso Faa’iso oo ay saaxiib dhow la tahay.

Si kastaba ha noqotee, taleefankeeda ayaa hawada ka baxay daqiiqado yar ka dib 7 fiidnimo ka dib markii ay walaasheed u xaqiijisay inay dib ugu noqonayso gurigeeda.

Baaraha ayaa maxkamada u sheegay in Faa’iso ay ka baxsatay Mombasa laguna arkay magaalada Eldoret 10-kii June, saacado kadib markii marxuumadda la waayey.

Sarkaalka oo sii hadlayey ayaa u sheegay maxkamadda in eedaysanaha uu markaas ka cararay Eldoret una socday Nairobi markii uu ka war helay in booliisku raadinayo.

Dhanka kale Booliiska magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka Kenya ayaa baaraya shabakad tahriibinta dadka ah, oo la rumeysan yahay inay ka dambeysay dilka gabadhaan Soomaalida ah loogu geystay gudaha magaaladaas.

Booliiska ayaa ilaa iyo haatan xiray labo qof oo la sheegay in markii ugu dambeysay ay Najma isla joogeen.

Sida ay sheegeen baarayaasha, xog laga helay telefoonka mid ka mid ah dadka kiiska looga shakisan yahay, ayaa gacan ka geysatay baadigoobka shabakaddan.