KENYA oo fulisay heshiiskii ay la gaartay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayada oo fulineysa heshiiskee ay la gaartay dowladda Soomaaliya ee lagu soo celinayo xiriirka labada dal.

Lucas Tumbo ayaa Muqdisho ka maqnaa in ka badan 6 bil kadib markii uu xumaaday xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, oo horseeday inay safiirada kala qaataan.

Imaashaha safiirka Kenya ee Muqdisho ayaa imaneysa kadib markii labada dowladood ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirkii dibloomaasiyadeed, waxaana la filayaa in dhawaan dib loo furo safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa 16-ka Bishaan ku heshiiyey in si deg deg ah loo furo safaaradaha labada Dowladood kadib wada-hadal dhanka taleefoonka ah oo dhex maray Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo.

“Labada wasiirba waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in si deg deg ah dib loogu furo labada safaaradood ee Soomaaliya iyo Kenya ee Muqdisho iyo Nairobi, waxayna ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya.

Wasiirradu waxay muujiyeen rajo weyn oo ah in la horumariyo ganacsiga, amniga iyo xiriirka dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, sida lagu shaaciyey qoraalka ay wadahadalkaas ka soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda ka shaqeynaya dib u soo celinta xiriirkoodii diblomaasiyadeed oo waayahaan mugdi badani uu hareeyey, balse weli waxaa jira marxalado markii hore xumeeyey oo aan hagaagin, sida dacwadda badda, qaadkii ay Kenya u soo dhoofi jirtay Soomaaliya oo aan la fasixin iyo dacwad kale oo Soomaaliya ay  ka gudbisay Kenya, kadib markii duqeyn ka dhacda Gedo ay ku dishay dad rayid ah.