Sababta Xaawo Kiin ‘looga saaray guddiga doorashada GALMUDUG oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaca ka qaaday sababta liiska guddiga doorashada Galmudug ee heer dowlad goboleed looga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow (Xaawo Kiin), taas oo ka mid aheyd xubnihii uu dhowaan soo magacaabay Qoor Qoor.

Xaawo Kiin ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay guddiga isaga casishay arrimo ayada u gaar ah.

“Waxaan ogeysiinayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed inaan iska casilay xubinimadii gudiga doorashooyinka heer maamul goboleed ee Galmudug, ee uu ii magacaabay 16/06/2021 madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor,” ayey tiri Xaawo Kiin.ls-casilaadeyda waxaa keenay arrimo aniga ii gaar ah. Waxaan u mahad-celinayaa madaxweynaha Galmudug oo ii gartay inaan ka mid noqdo dadka u adeegaya Reer Galmudug, laakiin aan ii suurta-gali karin,” ayey tiri Xaawo Kiin, oo aan faah-faahin ka bixin arrimaha ku qasbay is-casilaadda.

Hase yeeshee, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in Xaawo Kiin guddiga laga saaray oo aanay is-casilin, sababtana ay la xiriirto inay kasoo horjeedo Farmaajo, oo ay xiriir la leedahay mucaaradka.

“Waxaa guddiga doorashada laga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow oo lagu eedeeyey in ay Farmaajo ka soo horjeedday, kana tirsanayd taageerayaasha mucaaradka. Dhinaca kale, ku dhowaad 20 ruux oo taageerayaasha Farmaajo ah iyo toboneeyo dharcad ah ayaa weli Guddiga ku jira,” ayuu yiri siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Musharraxan ayaa sidoo kale xusay in arrintani ay mugdi-gelin karto dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isagu maamulaya doorashooyinka dalka.

“Haddii uu sidan ku soo baxo liiska guddiga, waxay tani mugdi gelinaysaa hufnaanta Guddiga iyo dhexdhexaadnimada Raysalwasaare Rooble,” ayuu markale yiri.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli ay dood adag ka taagan tahay guddiga doorashooyinka oo ay horey tabasho uga keeneen musharraxiinta mucaaradka.

Is-casilaadda Xaawo Kiin ayaa dib usii dhigeysa in ra’iisul wasaare Rooble uu shaaciyo liiska guud ee xubnaha guddiyada doorashada, ayada oo mar kale laga filayo madaxweyne Qoor Qoor inuu soo buuxiyo booska ay baneysay Xaawo Kiin.