SOOMALAIYA oo tagaeertay lana safatay AZERBAIJAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadsa xukuumadda federaalka ah ee Soomalaiya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa dalka Turkiga kulan gaar ah kula qaatay dhigiisa dalka Azerbaijan Jeyhun Bayramov.

Labaa mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, Azerbaijan & Turkmenistan Jaamac Cabdullaahi Caydiid oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka warbixiyey kulankaasi, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey inuu sii hagaago xiriirka labada dal, isla-markaana uu gaaro meel sare.

Dhinaca kale, warbaahinta Azerbaijan ayaa sheegtay in wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya uu taageeray mowqifka Azerbaijan oo ku saleysan xeerarka caalamiga.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Azerbaijan Jeyhun Bayramov ayaa sidoo kale sheegay in safiirka cusub ee Soomaaliya ee Azerbaijan uu 13-kii June booqday magaalada Aghdam oo ciidamada Azerbaijan ay ka qabsadeen kuw Armenia, halkaasi oo ay ku dagaalameen sanadkii tegay dabayaaqadiisa. 

Kulankan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo labada wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya Azerbaijan ay dalka Turkiga uga qeyb-galayaan shirka diblumaasiyadda oo Sanadkaan ka dhacaya magaalada Antalya.

Si kastaba xiriirka cusub ee labadaan dowladood ayaa soo shaac baxay 12-kii June 2021 kadib markii Danjire Jaamac uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey xoojisay xiriirka caalamiga ah, iyada oo iskaashu buuxa la yeelatay wadamo badan oo ku yaalla caalamka.