Farmaajo oo war kasoo saaray dib u doorashada Guterres

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay dib doorashada Antonio Guterres oo markale loo dhaariyey xilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Ugu horreyn madaxweyne Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Antonio Guterres  oo markale Qaramada hoggaaminayo shanta sano ee soo socota.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa tilmaamay in dawladda federaaka ah ay soo dhowayneyso inuu markale Antonio Guterres noqdo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyn madaxweynaha waqtigiisa uu dhammaaday ayaa shaaca ka qaaday in xoghayaha Qaramada Midoobay ay dowladda ula shaqeyn doonto si hagar la’aan ah.

Guterres oo ka hadlayey guushiisana wuxuu ballan qaaday inuu halkiisa kasii wadi doono dadaalladii u waday, isla-markaana uu si dhow ula shaqeyn doono dowladaha caalamka.

“Waxaan ku bixin doonaa wax walba oo aan ku xaqiijinayo inuu soo ifbaxayo kalsoonida u dhaxeysa iyo umadaha waaweyn iyo yar yar, si loo dhiso buundooyin, iyo inaan si hagar la’aan ah uga qeybqaato dhismaha kalsoonida,” ayuu yiri Mr. Antonio Guterres.

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya la-leh wada-shaqeyn xoogan, iyada oo ka taageerto arrimo dhowr ah sida dhaqaalaha, siyaasadda, ammaanka iyo dhanka bani’aadanimada.