Cali Roba oo shaaciyey inay AL-SHABAAB halis weyn ku tahay amniga magaaladiisa

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bare ee dalka Kenya, Cali Ibraahim Roba oo la hadlayey boqolaal dadweyne ah ayaa ka hadlay ammaanka magaalada uu maamula iyo weerarada ay ku hayaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Cali Roba ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Al-Shabaab ay halis ku tahay amniga Mandera, isla-markaana ay weeraro joogto ah ka fuliso magaalada iyo nawaaxigeeda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jirin cid wax ka qabaneysa dhibaatooyinkaasi, isla-markaana ciidamada ammaanka ay laftooda cabsanayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo hoosta ka xariiqay in weerarada Al-Shabaab ay saameyn xoogan ku yeesheen dhaq-dhaqaaqa magaalada, isla-markaana dadka degaanka ay dareemayaan cariiri xoogan.

Guddoomiyaha Mandera oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka inay u istaagaan, sidii looga hortegi lahaa weerarada khasaaraha geysta ee Al-Shabaab ka fuliso halkaasi.

“Waa inaan galno dagaal nafsi ah, noloshaanada cariiriga gashay waa inaan u istaagno oo aan isku tashano kan adkaano Al-Shabaab, ma aragno askar la dagaamaleysa oo cabsi ayaa heysa,” ayuu yiri guddoomiyaha magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.