Xubin ka mid ah guddiga uu magacaabay Qoor Qoor ee doorashada oo is-casishay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubin ka mid ah guddiga doorashooyinka Galmudug ee uu dhowaan dib usoo magacaabay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor kadib xubnihii lagu celiyey, ayaa sheegtay inay is-casishay.

Xaawo Aadanyare Culusow (Xaawo Kiin), oo ka mid xubnaha guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ayaa go’aankan ku shaacisay qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda facebook.

“Waxaan ogeysiinayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed inaan iska casilay xubinimadii gudiga doorashooyinka heer maamul goboleed ee Galmudug, ee uu ii magacaabay 16/06/2021 madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor,” ayey tiri Xaawo Kiin.

“ls-casilaadeyda waxaa keenay arrimo aniga ii gaar ah. Waxaan u mahad-celinayaa madaxweynaha Galmudug oo ii gartay inaan ka mid noqdo dadka u adeegaya Reer Galmudug, laakiin aan ii suurta-gali karin,” ayey tiri Xaawo Kiin, oo aan faah-faahin ka bixin arrimaha ku qasbay is-casilaadda.

Is-casilaadda Xaawo Kiin ayaa dib usii dhigeysa in ra’iisul wasaare Rooble uu shaaciyo liiska guud ee xubnaha guddiyada doorashada, ayada oo mar kale laga filayo madaxweyne Qoor Qoor inuu soo buuxiyo booska ay baneysay Xaawo Kiin.

Qoor Qoor ayaa horey loogu ammaanay inuu soo magacaabay guddi ka maran saameynta Villa Somalia, inkasta oo taas ay ka carreysiisay taageerayaasha madaxweyne Farmaajo.