Waa kuma Ebrahim Raisi – Muxaafidka mayalka adag ee noqday madaxweynaha Iran?

Tehran (Caasimada Online) – Shir jaraa’id oo uu Maanta oo Sabti ah qabtay madaxa gudiga sare ee doorashooyinka dalka Iiraan Jamal Caarif ayuu ku sheegay in musharaxa madaxweynimo ee dalkaas Ebrahim Raisi uu ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday.

Raisi ayaa helay 17 milyan iyo 800 kun oo cod kadib markii ay soo baxday natiijooyinka hordhaca ah ee doorashadii ka dhacday dalkaas, iyadoo ay codadkooda dhiibteen dad gaarayo ilaa 28 Malyan oo qof.

Sidoo kale Guddiga doorashada ayaa sheegay in musharaxa kale ee lagu magacabo Mohsen Rezaei uu helay codad gaarayo 3 Malyan iyo 300 kun oo cod.

Musharaxa qunyar socodka ah, Abdel Nasser Hemmati ayaa helay labo milyan iyo 400 kun oo cod, sidoo kalana Qazizadeh Hashemi ayaa helay hal milyan oo cod, sida ay ku dhawaaqeen guddiga, taasoo ka dhigan in Ebrahim Raisi uu noqday madaxweynaha dalka Iiraan.

Isaga oo ka hadlayey natiijada hordhaca ah ee doorashada, Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Mohammad Javad Zarif wuxuu sheegay in qof walba looga baahan yahay inuu la shaqeeyo Ebrahim Raisi wixii hada ka dambeeya maadaama uu yahay madaxweynaha la doortay, wuxuuna ku tilmaamay Raisi inuu yahay “nin caqli badan” oo wadanka si wanaagsan u hogaamin doona.

Waa kuma Ebrahim Raisi?

Raisi, wuxuu ku dhashay 1960 magaalada Mashhad, waa siyaasi diimeed iyo muxaafid mayal adag. Wuxuu ku soo biiray garsoorka 1980 wuxuuna ka shaqeeyey xeer ilaalinta guud ilaa 1994.

Isla sanadkaas waxaa loo magacaabay madaxa hay’ada kormeerka guud. Sanadkii 2004 wuxuu qabtay jagada ku xigeenka 1-aad ee hey’ada cadaaladda, wuxuuna xilkaas hayey 10 sano, hogaamiyaha sare ee dalkaas wuxuu u magacaabay inuu noqdo madaxa garsoorka sanadka 2019.

Raisi wuxuu ku biiray Golaha Khubarada 2006, ka dibna waxaa loo magacaabay 2017 inuu xubin ka noqdo Guddiga dhanka nidaamka kala taliyo Khamenei sidoo kalana xaliyo khilaafkaadka, sidoo kalana wuxuu doorashadii madaxtinimada ee 2017 ka galay kaalinta labaad kadib Rouhani.

Raisi wuxuu isu muujiyey inuu yahay shaqsiga ugu fiican ee la dagaalami kara musuq-maasuqa isla markaana xallin kara dhibaatooyinka dhaqaale ee Iiraan haysta.

Si kastaba ha noqotee, in badan oo reer Iiraaniyiin ah iyo kuwa u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyey doorkiisa dilkii badnaa ee maxaabiista siyaasadeed 1980-yadii, sidoo kalana waxaa kiiskaas awgiis cunaqabateyn u saaray  Mareykanka,

Iran waligeed ma aysan aqoonsanin xukunada dilka ah Mr Raisi waligiisna kama uusan hadlin eedeymaha ku saabsan doorka uu ku leeyahay taasoo ay si weyn u soo hadal-qaadaan hay’addaha xuquuqda aadanaha.

Awooda Madaxwynaha Iiraan

Madaxweynaha Iran waa shaqsiga labaad ee ugu sareeya wadanka, kadib hogaamiyaha ugu sareeya kaasoo leh awoodaha ugu badan iyo ka go’aan ka gaarida arrimaha masiiriga ah.

Madaxweynaha wuxuu saameyn muuqata ku leeyahay siyaasadda gudaha iyo arimaha dibada. Laakiin Hogaamiyaha sare Ayatollah Ali Khamenei ayaa leh go’aanka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha gobolka.

Guushiisa maxay uga dhigan tahay Iran iyo adduunkaba?

Raisi wuxuu ballan qaaday inuu yareeyn doono shaqo la’aanta kana shaqeyn doono sidii meesha looga saari lahaa cunaqabateynta Mareykanka ee ka qeyb qaadatay dhibaatada dhaqaale ee dadka caadiga ah ee reer Iiraan.

Weriyaha BBC-da ee Beershiya Kasra Naji ayaa sheegtay in dadka mayalka adage ee Iiraan ay raadin doonaan inay xoojiyaan nidaamka xaigjirnimada ee ku dhisan islaamnimada, taasoo micnaheeda ay noqon karto xakameyn badan oo ku saabsan howlaha bulshada, xorriyadaha yar yare ee shaqooyinka haweenka iyo xakameynta adage ee warhaabinta.

Kuwa mayalka adag waxay ka shakisan yihiin reer galbeedka, laakiin Raisi iyo Hogaamiyaha Sare Khamenei labaduba waxay door bidaan in dib loogu laabto heshiis caalami ah oo ku saabsan howlaha nukliyeerka Iran.

Heshiiskii Nukliyeerka ee la saxiixay 2015, wuxuu Iran ka yareeyey cunaqabateyntii Reer Galbeedka, waxaana heshiiskaas lagu xakameeyey horumarinta ay Iiraan ka waday dhanka hubka Nukliyeerka.

Mareykanku wuxuu ka baxay heshiiskaas 2018, maamulka madaxweyne Trump wuxuu dib u soo rogay xaddidaadyo curyaaminaya awoodda iiraan ee ganacsiga. Mr Raisi wuxuu kamid ahaa saraakiisha cunaqabateynta la saaray.

Iran waxay ku jawaabtay dib u bilaabida hawlgaladii nukliyeerka ee lagu mamnuucay heshiiska.

Wadahadalada lagu doonayo in lagu soo nooleeyo heshiiska ayaa ka socda magaalada Vienna, iyadoo madaxweyne Joe Biden uu sidoo kale doonayo inuu soo nooleeyo. Laakiin labada dhinacba waxay yiraahdaan kan kale waa inuu sameeyaa tallaabada ugu horreysa.