Xog ka cusub khasaaraha qaraxa Howl-Wadaag iyo guddoomiye ka mid ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday xarunta degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana ku dhintay Seddex Askari oo ka tirsanaa ilaalada xarunta oo mid kamid ah ay aheyd Haweeney baari jirtay Haweenka howlaha uga baahda xarunta.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa kamid ahaa Gudoomiye Ku xigeenka amniga Hawlwadaag oo la sheegay inay kasoo dhacday isha oo jug ay ka haleeshay waxa uuna xiligaasi ahaa mid ku sugan degmada.

Xilliga qaraxa uu dhacaayay ayaa Xarunta Degmada Hawlwadaag waxaa ka socday shaqooyinka maalinlaha ah ee Degmada laga qabto.

Xarunta Degmada ka soo horjeedkeeda waxaa ku yaallo Masaajid iyo Dugsi qur’aan isku dhagan, lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.