Xog: Khasaaraha dagaalkii ka dhacay Baydhaba iyo wararkii ugu dambeeyay

Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya xog ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkii magaalada Baydhaba ka dhacay shalay ee u dhaxeeyey maamulka Koonfur Galbeed iyo mucaaradka.

Ugu yaraan 10 qof oo 6 kamid ah ay shacab tahay ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baydhaba, kaas oo u dhaxeeyey ciidamo ka kala amar qaata Madaxweyne Laftagareen iyo musharax Maxamed Aadan Fargeeti.

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi oo shir jaraa’id qabtay ayaa caawa sheegay inay soo afjareen maleeshiyaad u dagaalamayey musharax Fargeeti, isla markaana ay degantahay xaaladda magaalada.

Wasiirka ayaa ciidanka K/Galbeed ka leexiyey eedeyntii loo jeediyey ee ahayd inay weerareen guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, hadana ah musharax madaxweyne oo u taagan hoggaaminta K/Galbeed Maxamed Aadan Fargeeti, isagoo sheegay in ciidanka musharaxaas ay rasaasta ku bilaabeen ciidanka amniga.

Caawa waxaa degan xaaladda magaalada oo waxaa dib u furmay isku socodka bulshada magaalada, iyadoo dib loo helay isgaarsiinta magaalada Baydhaba oo saacado badan maqneyd.

Dagaalkii ka dhacay Baydhaba oo soo bilowday saakay waaberigii ayaa socday mudo 8-sacadood ah, waxaana la xaqiijiyey geerida 10 qof oo shacab u badan, waxaana jira dhaawacyo kale.

Ciidankii la weeraray ee ku sugnaa guriga uu Baydhaba ka degan yahay musharax Maxamed Aadan Fargeeti ayaa la sheegay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid ciidanka taabacsan Madaxweyne Laftagareen oo 8-saacadood kadib ka laabtay goobta.