Xog: Khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay Gaas iyo ku xigeenkiisa Camey

Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka ay Caasimadda Online ka heleyso Madaxtooyada Punltnad ee Magaalada Garoowe ayaa sheegayo inuu khilaaf xoog leh soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey.

Khilaafka labadaan Mas’uul ayaa kasoo bilowday markii ay Baarlamaanka Soomaaliya si aqlabiyad leh ugu coddeeyeen in dalka laga mamnuucay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP World.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ayaa taageero weyn u muujiyey go’aankii uu Baarlamaanka Soomaaliya dalka uga mamnuucay shirkaddaas, waxayna arrintaas keentay inuu dilaaco khilaaf u dhaxeeyo isaga iyo Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa dhankiisa taageero u muujiyey shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta, isagoo si weyn uga hor imaaday go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa isku dayey inuu soo saaro waraaq uu kaga hor imaanayo go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya uu dalka kaga mamnuucay shirkaddaas, balse waxaa go’aankiisa in waraaq loo badalo ka hor imaaday madaxweyne ku xigeenka Camey iyo qaar badan oo ka tirsan golaha wasiirada kuwaas oo deegaan ahaan kasoo jeedo Sool, Cayn iyo Barri.

Markii uu Gaas ku guuldareystay inuu soo saaro waraaq isaga iyo Golaha Wasiirada, wuxuu qaaday tallaabooyin kale oo uu Imaaraadka ugu muujinayo inuu taageersan, waxaana tallaabooyinkaas qeyb ka ahaa safarkii uu Imaaraadka Carabta ku tagay iyo khudbaddii uu halkaas ka jeediyey.

Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ayaa lagu eedeeyaa inuu xiriir dhow la leeyahay Madaxtooyada Villa Somalia, wuxuuna marar badan taageeray go’aano kasoo baxay Villa Somalia.

Khilaafka labadaan Mas’uul ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay Shaqada Maamulka Puntland, waxaana gebi ahaanba gaabis noqday shaqada madaxtooyada Garoowe kadib markii uu soo xaadiri waayey Camey.

Camey ayaa kasoo muuqan waayey kulamadii ugu dambeeyey ee Golaha Wasiirada ee uu shir guddoominayey Cabdiweli Gaas, waxayna arrintaan banaanka soo dhigtay Khilaafka labada Mas’uul.

Labada Mas’uul ayaa kaliya iska kaashaaday tan iyo markii Khilaafkaas soo baxay dagaalka u dhaxeeyo Maamulada Puntland iyo Somalialand taasoo ay mowqif ahaan ka siman yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com