XOG: Lafta-gareen oo hub keyd u ahaa Koonfur Galbeed u qeybiyey beeshiisa

Baydhaba (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Koonfurt Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen” uu amray in hub keyd u ahaa maamulka uu hoggaamiyo loo qeybiyo beesha uu ka dhashay.

Hubkaasi ayey Caasimada Online ogaatay in loogu talo-galay ciidamada Koonfur Galbeed dhameysta tabababarka ay bixiyaan saraakiisha UK. 

Ilo-wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in hubkaasi oo u badan qoryaha fudud iyo rasaastooda sida AK-47, BKM, bastoolado iyo rasaas gebi ahaanba lagala baxay bakhaaradii ay ku jireen.

Sida ay sheegayaan wararka aan helnay, ujeedada ka danbeysa in hubkaasi galo gacan maleeshiyo beeleed ayaa waxay xiriir la leedahay guuldarada siyaasadeed ee soo wajahay Lafta-gareen, maadaama bey yiraahdeen uu ogsoon yahay inuusan taageero ka heysan beelaha Koonfur Galbeed, islamarkaana muddo xileedkiisa dhamaad yahay, sidaas darteedna uu ka cabsi qabo kacdoon.

Arrintaan oo dood ka dhex dhalisay shacabka iyo maamulkaba ayeysan jirin cid ka hadashay sababo la xiriira baqdin ay ka qabaan in la bartilmaameedsado ama inay xilkooda weyn doonaan.

Si kastaba, Wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, Marwo Xaniifo Xabsade oo ka mid ah siyaayiinta ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa qoraal ay soo saartay ku bidhaamisay, sida ay wax u jiraan iyo waxa la’isku hayo labada dhinac.

“Gudoomiyahiisa Gobalka Bay, gudoomiyaha Baarlamanka, teliyaha ciidamada qaybta lixdimaad qofkii xildhibaano kasoo wada dhigay maa maamulka duminaayo ? Mise dadka dhahooyo December waa in doorasho dhacadaa  ayaa maamulka duminaayo?” ayey tiri.

Cabdicasiis Lafta-gareen oo hami weyn ka qabay inuu mar kale soo laabto oo dib loo doorto madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu hadda ka cabsi qabaa inay kusoo furmaan mucaarado xooggan ayada oo sanado badan loogu adkeysanayey nidaam ku dhisan awood sheegad iyo cabsi gelin.

Xaniifo oo hadalkeeda sii wadata ayaa ugu baaqday Madaxweyne Lafta Gareen inuu wax ka barto muddo kororsigii horey u fashilmay ee Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed  Farmaajo, waxayna intaa ku dartay in muddo kororsi uusan xilligan ka shaqeynin Somalia.

Maalmaha soo socda ayaa laga yaabaa in xiisadda magaalada Baydhaba ay kasii darto, ayada oo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee ciilka u qaba Lafta-gareen ay billaabeen abaabul.