Sidee ayuu noqon karaa xiriirka XASAN SHEEKH iyo Maamul Goboleedyada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu la yimaado isbedal siyaasadeed dalka, islamarkaana uu wax ka bedalo sidii ay markii hore wax ku socdeen.

Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad loo doortay xilka Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Somalia ayaa intii uu ku jiray ololaha doorashada ballan qaadan siyaasad xasiloon, isaga oo hal hees ka dhigtay, ‘Soomaali wada heshiis ah, Dunidana heshiis la ah’.

Haddaba sidee ayuu noqon karaa xiriirka Xasan Sheekh iyo Maamul Goboleedyada?

Xildhibaan Axmed Sheekh Nuur oo ka tirsan baarlamaanka HirShabelle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey inuu hagaagi doono xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo shantii sano ee la soo dhaafay ahaa mid aad u liitay.

“Xiriirka maamul goboleedyada iyo Madaxweynaha cusub muxuu noqon doonaa? waxaan rajeyneynaa inuu hagaagsanaan doono, sababtoo ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haddii aad ogtahay waa Madaxweynihii ugu horreeyey oo mar labaad soo laabto, ahna odey dal joog ah wax badan aan ku tuhmeyno,” ayuu yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Waxaa xusid mudan Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ahaa dhammeystirihii federaalka marka horeba,”.

Axmed Sheekh Nuur oo wareysigan siiyey Universal TV ayaa xusay inay haatan u muuqato yididiilo wanaagsan oo ku aadan wada-shaqeynta labada dhinac.

“Waxaan rajeynayaa odeytinimada iyo waayo aragnimada aan ku tuhmeyno Madaxweyne Xasan Sheekh, Khayr badan ayaan ka rajeyneynaa, yididiiladana hadda way muuqataa,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo doorashadii Madaxweynaha kadib ay Muqdisho ku wada shireen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhammaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada oo kulankooda diiradda ku saaray dowladda cusub iyo wada shaqeyntooda.