Xog: Madax goboleedyada oo walaac xooggan qaba iyo ujeedka ololaha ay wadaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxii ka dambeeyey markii wadajir loo shaaciyey heshiis doorasho oo dhex maray madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada, waxaa Muqdisho ka bilaawday kulamo siyaasadeed iyo olale xoog leh oo ay wadaan madaxda dowlad goboleedyada.

Madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee Soomaaliya oo weli ku sugan Muqdisho ayaa mid kasta waxa uu casuumaad gaar ah u sameeyey xildhibaanada baarlamaanka federaalka ku metela deegaanada dowlad goboleedkiisa.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shalay casuumay xildhibaanada ku jira labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ee laga soo doortay deegaanada Jubbaland, waxuuna u jeediyey khudbad u muuqatay mid uu ku beer-laxawsanayo.

Sidoo kale madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa iyaguna maanta midba gaar u casuumay dhamaan xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay deegaanada ay ka arimiyaan maamulladooda.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayey isna caawa kulan casho sharaf ah ugu casuumanyihiin xildhibaanada dowladda dhexe ka soo galay deegaanada Puntland.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa hal u jeedo ka leh kala xod-xodashada xubnaha baarlamaanka federaalka, waxayna ku adkeynayaan fariinta ah inay ansixiyaan heshiiskii dhawaan lagu kala saxiixday Villa Somalia ee laga gaaray hanaanka ay u dhaceyso doorashada Soomaaliya.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo sida ka muuqatay qodobadii heshiiska madaxweyne Farmaajo uga guuleystay sidii ay wax u rabeen ayaa cabsi ka qaba in heshiiskaas lagu fashiliyo hor-geynta baarlamaanka.

Cabsi badan ayey ka qabaan in baarlamaanku diido heshiiskaas, taas oo ku kaliftay inay gaar-gaar u shiriyaan, iyagoo ka wada dalbanaya hal qodob oo ah ansixinta heshiiskaas.

Caasimada Online oo xog ka heshay rabitaanka Madaxweyne Farmaajo ee meel marinta heshiiskaas ayaa ogaatay in madaxweynuhu uu doonayo in mar un uu dhaafo culeyskan ka heysta dariiqii loo mari doorashada dalka, isla markaana baarlamaanku ansixiyo heshiiskan, si qodobadii heshiiskaas loogu jaheeyo doorashooyinka dalka.

Si kastaba, ayada oo ay jirto in madaxweynaha doonayo in heshiiska la meel-mariyo, ayaa haddana waxaa weli jira shaki ay qabaan madax goboleedyada iyo is-aaminaad la’aan weli ka jirta labada dhinac, taasi oo keentay qorshaha ay wadaan madax goboleedyada.