Xog: Madaxda Galmudug iyo Ahlu-Sunna oo isku haya saddex qodob

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Ahlusunna waljameeca Sheekh Shaakir, oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ka biya diiday qodobo uu usoo bandhigay Hogaamiyaha maamulka Galmudug Xaaf.

Sheekh Shaakir oo wadahadal kula jira Hogaamiye Xaaf, ayaa diiday inuu tanaasul ka sameeyo jiritaanka maamulka Ahlusuna, waxa uuna tilmaamay in qodobkaasi uu yahay mid muqadas ah.

Sheekh Shaakir oo loosoo bandhigay qodobo ay kamid yihiin:

1-In Ahlusunna ay aqbalaan ku biirida maamulka Galmudug.

2-Inay ka tanaasulan shuruudaha adag sida bixinta dhaqaalaha ku baxay Amaanka iyo Dhismaha maamulka.

3-Inay aqbalaan xilalka uu ugu tallo galay maamulka Galmudug, ayaa diiday, waxa uuna sheegay inaysan ahmiyad u arag dhammaan qodobada ay la imaaday Galmudug, balse waxa uu si cad u diiday qodobka koowaad ee isku biirida ah.

Sheekh Shaakir waxa uu Xaaf ku xujeeyay aqbalaada qodobada ay tiigsaneyso Ahlusunna ka hor inta aan la qaadan kuwa uu soo bandhigay.

Mid kamid ah mas’uuliyiinta wehlineysa Shaakir ayaa xaqiijiyay in Ahlusuna aysan ku degdegi doonin qodobada qaar, balse ujeedkooda uu noqon doono in meel dhax ah ay isugu imaadan.

Sidoo kale, isku soo dhawaanshiyaha labada dhinac waxaa kaalin weyn ka qaadanaaya Xubno ka tirsan IGAD oo iyagu loo xilsaaray heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna.

Wadahadalka labada dhinac ayaa sii socon doona maalmaha nagu soo aadan, waxaana lagu wadaa inay ku biiri doonaan xubno kale oo ka kala socda dowladaha daneeya arrimaha Somalia.

Dhinaca kale, kulanka xiga oo ay yeelan doonaan Xaaf iyo Shaakir ayaa ka dhici doona magaalada Muqdisho Bishaan dhamaadkeeda sida ay noo sheegen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com