28.8 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh oo galabta saxiixaya dastuurka dalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in galabta uu saxiixo dastuurka dalka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia.

Madaxweynaha oo ay wehlin doonaan Guddoonka Labada Gole ayaa qorshuhu yahay in ugu dambeyn uu meelmariyo dhammaystirka dastuurka, si uu u noqdo dhaqangal, iyadoo tallaabadan ay kusoo aadeyso, xilli weli dastuurka ay ka taagan tahay dood adag oo ay qabaan Mucaaradka, Jubaland iyo Puntland.

Wariyeyaasha madaxa-bannaan ayaa sidoo kale goordhow looga yeeray xarunta madaxtooyada, iyaga oo goobjoog noqon doono munaasabadda saxiixa ee dastuurka cusub, waxaana la filayaa in uu la hadlo madaxweynuhu.

Xasan Sheekh oo horay kulan af-fur ah ugu ku maamuusay, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dhammaystirka dastuurka ay tahay tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa dowladnimada, midnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Sidoo kale wuxuu adkeeyey in dastuurka la dhammaystiray uu saldhig u noqon doono dhismaha hay’adaha dowliga ah, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dowladnimo ee ku dhisan sharciga iyo isla xisaabtanka.

Waxaa kale oo xigtay in isla habeenkaas uu guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Madoobe uu ku dhawaaqay in uu dhaqan-gal yahay dastuurka, isla markaana Baarlamaanka uu ku darsaday muddo hal sano ah.

Si kastaba, siyaasiyiinta mucaaradka ee Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Puntland ayaa qaadacay in ay oggolaadaan in dastuurka cusub uu dhaqan galo, waxayna tani keeneysaa xaalad siyaasadeed oo horleh iyo dalka inuu galo qalalaase siyaasadeed, marka la’eego sida ay wax ku socdaan.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyn doono natiijada, maadaama madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo go’aankiisa, mucaaradkana ay lasoo taagan yihiin diidmo adag.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, waxaana sii dheer xaalad kale oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News