Xog: Maxaa caawa ka socday hotelka la weeraray ee xeebta Liido, yaase ku sugnaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa caawa Hotelka la weeraray ka socday shir ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta beesha Dhulbahante iyo masuuliyiinta ku metesha dowladda federaalka.

Ugu yaraan 10 xildhibaan oo beesha Dhulbahante ka soo jeeda Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya iyo siyaasiyiin uu ku jiro hoggaamiyihii hore ee maamulkii Qaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac Indhasheel oo ka soo wada jeeda beesha Dhulbahante ayaa ku shirsanaa Hotelka.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka mid ah masuuliyiintaas waxaa lasoo badbaadiyey inta badan dadkii ku shirsanaa Hotelka ee beesha Dhulbahante ka soo jeeday.

Qarax gaari loo adeegsaday oo lagu dhuftay afaafka hore ee Hotelkaas oo lagu magacaabo Pescatore, ayuu ku bilowday weerarkaan, wuxuuna Hotelkaasi ku yaallaa inta u dhaceysa Hotellada Beach View iyo Oceian View ee xeebta Liido.

Adeega gurmadka deg dega ah ee Amin Ambalaas ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dhimashada 6 qof iyo dhaawacyada tiro kale, waxaana weli gudaha Hotelka ka dagaalamaya rag hubeysan.

Dadka ku dhaawacmay weerarkaan waxaa ka mid ah Taliyaha ciidanka birmadka ee booliska Soomaaliya Jeneraal Siyaad, waxaana weli socda dadaalo lagu badbaadinayo dadka gudaha ku jira, maadaama ay rag hubeysan ka dagaalamayaan.