Xog: Maxaad kala socotaa qodobada shirka Oslo lagu saari doono diiradda? (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo talaado ah uu magaalada Oslo ee dalka Norway ka furmo shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo.

Shirka ayaa waxaa marti gelineyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Norway, waxaana diirada lagu saari doonaa arrimo muhiim ah.

Shirkan oo ahmiyad gaara leh ayaa waxaa Somalia ku metelaya wafdi uu hoggaaminayo Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre oo maalin un ka hor gaaray madasha Oslo.

Shirkan oo socon doona 19-20 June, ayaa ah madal sanadkiiba mar la qabto loogana hadlo xallinta khilaafaadka kaas oo ay isugu yimaadaan Madax ka kala socota adduunka.

Sanadkan waxaa Madasha ka qeyb galaya Ra’isul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, Ra’isul wasaaraha dalka Norway, Erna Solberg, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger, U qaabishana Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo iyo wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Algeria, Jordan, Cummaan iyo Tanzania.

Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa shirka ka jeedin doona Khudbad khuseysa xallinta khilaafaadka iyo arrimaha Somalia.

Shirka waxaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa caqabadaha ku hor gudban dadaallada Nabad dhalinta iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadahaas.

Sidoo kale, Kheyre iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Oslo ee dalka Norway kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxd dalkaasi iyo kuwa ka qeybqaadan doona shirka.

Geesta kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa si hordhac ah ula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Norway oo ay kawada hadleen arrimaha labada dal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com