Xog: Maxay tahay sababta Cumar Filish uu xilligan usoo gatay hub iyo gaadiid dagaal? 

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xog sugan ku heshay Caasimada Online, guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish” ayaa soo iibsaday laba gaari oo nuuca dagaalka ah. 

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in Cumar Filish uu soo iibsaday hub culus oo u badan BKM iyo Sabano lamana oga sababta ka dambeysa arrintaan, balse waxaa Muqdisho muddooyinkaan ka jira hadal sheegeysa in uu socdo qorshe xilka looga qaadayo guddoomiyaha Gobalka Banaadir. 

Sidoo kale arrintaan ayaa ku soo aaday iyadoo ay magaalada Muqdisho maalmahaan wajaheyso xiisad siyaasadeed culus oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil, kaasoo sababay masuuliyiinta dowladda u kala qeybsamaan qaar la safan Farmaajo iyo qaar lasafan Rooble. 

Dhamaan xubnaha maamulka gobalka ayaa toos ugu xiran Villa Somalia, waxaana jira warar sheegaya in Cumar Filish uu qeyb ka yahay shaqsiyaadka diidan go’aanada uu qaatay ra’iisul wasaare Rooble. 

Ma cadda, haddii Rooble uu awood u leeyahay inuu xilka ka qaado Filish, hase yeeshee xilal qaadis uu horey ugu sameeyey xubno ku dhowaa Farmaajo ayaa hir-galay sida Fahad Yaasiin iyo Xasan Xundubey.

Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa muddo 2 sano iyo 50 cesho ku magacaaban maamulka gobalka, waxaana lagu eedeeyaa maamul xumo, nadaafad darro gobalka ah iyo musuq-maasuq badan.