Maxkamadda ciidamada oo maanta xukun adag ku riday ajaaniib ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimad Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday laba nin oo ajaaniib ah, isla-markaana muddo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Labada nin ee la xukumay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Dereyn Antonio Perez oo 44 jir ah, una dhashay Britain iyo Axmed Mustaqiim Binu Cabdixamiid oo 34 jir Malaysian ah.

Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in raggan ay kooxda Al-Shabaab ku soo biireen sanadihii 2009-kii iyo 2010-kii, si ay xoog iyo xeelad-ba ugu biiriyaan Shabaab.

Sidoo kale maxkamadda ciidamada ayaa shaaca ka qaaday in Darren Anthony Byrness uu ka qeyb-qaatay dagaallo ka dhacay Muqdisho, Galgaduud,Gedo iyo Shabeelooyinka.

Darren Anthony ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu qeyb ka ahaa weerar kooxda Al-Shabaab qorsheeyeen inay ka fuliyaan dalka Faransiiska, isaga oo qorshaha qaybta uu ku lahaa ay aheyd inuu kireeyo guriga ay degayaan kooxda weerarka fulinaysa.

Ninkan ayaa sidoo kale hay’adaha amniga u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay guryo qarsoodi ah ku leeyihiin dalalka Kenya, Burundi, Senegal, Uganda iyo dalal kale oo ku yaal galbeedka iyo bartamaha Afrika.

Axmed Mustaqiim Binu Cabdixamiid oo ahaa ninka labaad ee la xukumay, una dhashay wadanka Malaysia ayaa dhankiisa Al-Shabaab ka caawin jiray adeega gurmadka deg-dega ah, wuxuu isna ka qayb galay dagaallo ka dhacay Muqdisho iyo Dhuusamareeb, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Maxkamadeynta raggan ayaa heerar kala duwan soo martay, iyada oo 18-kii bishii April ee 2019-kii ay u gacan galeen Puntland, kadibna loo soo wareejiyey dowladda dhexe.

Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada sida ayaa Darren Anthony iyo Axmed Mustaqiim ku kala xukuntay mid-kiiba 15 sano oo xabsi ciidan ah,sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, wuxuuna xusay inay heystaan fursad ay ku dalban karaan rafcaan.