Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo ka cudur daartay arrin uu usoo jeediyey Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa, sida ay ogaatay Caasimada Online, ka cudur daartay amar uu siiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Eng Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo ahaa dhaarinta wasiirka cusub ee amniga Qaranka Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Inkastoo dhaarinta Wasiirka ay aheyd 9-kii September ayaa haddana xog cusub oo aan helnay waxay xaqiijisay in ra’iisul wasaare Rooble uu ku guul dareystay in guddoomiyaha Maxkamada Sare uu dhaariyo Wasiirka amniga, kadib markii uu Guddoomiyaha sheegay in ay ku adagtahay arrintaas. 

“Guddoomiyaja waa u yimid Rooble waxa uuna kaga cudurtay amarkaas, sababta waxa uu ugu sheegay in uusan awoodin ka qeybgalka dagaalka siyaasadeed, waxa uuna codsi in laga daayo in laga aqbalay,” ayuu yiri wasiir ka tirsan Xukuumada Rooble oo la hadlay Caasimada Online, balse codsaday inaan la magacaabin 

Wasiirka cusub ee amniga Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur waxaa lagu badalay Xasan Xundubeey Jimcaale, waxaana dhaariyay wasiirka cadaalada Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyadoo uu dood ka keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. 

Baashe ayaa maalmihii dhowaa dhowr mar ka qeyb-galay kulamo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo dhex-maray Rooble, Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, oo looga hadlayey arrimaha doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi.