Xog: Ahlu Sunna oo muddo kadib dhaq-dhaqaaq ciidan ka billowday gobollada dhexe

Guriceel (Caasimada Online) – Xoogag u daacad ah Ahlu-Sunnadii Gobolada Dhexe ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada qaybo ka mida Gobolka Galgaduud, maalmo kadib markii madaxda kooxdaas ay dib ugu soo laabteen gobolka.

Ahlu-Sunna oo tan iyo daba-yaaqadii bishii February ee sanadkii 2020 ka maqneyd Gobolada Dhexe ayaa markii ugu horeysay waxaa hoggaankeeda toddobaadkii hore lagu arkay Siyaarada Sheekh Yuusuf Direed, oo ay kaga qaybgaleen deegaanka Huurshe ee Gobolka Galgaduud.

Dhaqdhaqaaqyada Xoogaga Ahlu-Sunna ka bilaabeen Gobolada Dhexe ayaa waxaa barbar socda kulamo ay Madaxdii Ahlu-Sunna deegaanada Galmudug kula qaadanayaan odayaasha beelaha, si loo soo noolleeyo doorkii siyaasiga ee Ahlu-Sunna, loogana hortaggo Shabaabka isu ballaarinaya Gobolada Mudug & Galgaduud. Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa maalmo ka hor deegaanka Huurshe kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu-Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faaarax iyo Madaxii Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ay taageero hub ahi ka heleen odayaasha qabaa’ilada qaarkood.

Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa sidoo kale waxay Sabtidii deegaanka Huurshe ku qaabileen Saraakiil uu horkacayay Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Mascuud Maxamed Warsame, kaasoo ay weydiisteen inuu dib ugu soo celiyo hubkii beelaha Dhuusamareeb iyo Guriceel, ee ay ku wareejiyeen bishii February, 2020, ka dib dagaaladii dhowrka cisho socday ee Maamulka Galmudug kula galeen Magaalada Dhuusamareeb.

General Mascuud oo ka mid ah Saraakiishii ay barbaarisay Ahlu-Sunna, hadda waxaa la leeyahay waa uu ka mowqif duwan yahay, isagoona u janjeera dhanka Madaxtooyada Galmudug.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Xoogaga Ahlu-Sunna ay haatan dhaqdhaqaaqa xoogiisa ka wadaan wadada xiriirisa Guriceel iyo Xeraale, Guriceel illaa aagga Balanballe. Xoogagan ayaa la soo sheegaya in lagu arkay deegaano ku dhow dhow Balihood iyo La-jiide, halka Huurshe ay ku sugan yihiin Hoggaanka Ururka.

Madaxtooyada Galmudug oo ka walaacsan abaabulka Ahlu-Sunna ee gobolka ayaa Talaadadii waxay Saraakiisheeda Ciidamada meel ku dhow deegaanka Huurshe kula kulmeen odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada ka soo kala jeeda Guriceel, Xeraale, Balihood iyo La-jiide, oo ay kala hadleen soo rogaalcelinta Ahlu-Sunna, iyagoona ka codsaday inay la shaqeeyaan Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dadka odoroso siyaasadda dalka ayaa kuu sheegaya in ujeedka ugu weyn Ahlu-Sunna ee xilligan uu yahay, sidii xubno ku feker ah loogu soo dari Golaha Shacabka, si lamid ah sidii dhacdayba sanadihii 2012 iyo 2016. Xeeldheere-yaashu waxay sheegayan in doorashadan ay muhim u tahay Ahlu-Sunna, lamase oga sida ay xilligan ku suurtageli karto inay xubno ku yeelato Baarlamaanka Federaalka.

Xeeldheere-yaasha ayaa qaba muddadii Ahlu-Sunna ka maqneyd Gobolada Dhexe in habacsanaan dhanka amniga ah laga dareemay deegaanada Galmudug, Shabaabkuna waxay muddadaasi kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan deegaanadaasi, iyagoona halis geliyay amnigii Magaalada Dhuusamareeb. Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb iyo deegaanada hoostagga qaarkood waxaa ka dhacay tiro qaraxyo ah, marar kala duwana waxay Shabaabku madaafiic ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha Gobolka Galgaduud ugu weyn ee Ugaas Nuur.

Ahlu-Sunna ayaa lagu ammaanaa mid fahamsan xeeladda dagaalka ee Al Shabaab, waana taas midda keentay in ay Shabaabku ka caagaan dhulkii ay Ahlu-Sunna ka arrimineysay, muddadii laba iyo tobanka sano ahayd.