Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maaalada Muqdisho kawada shirar gaargaar ah oo uu la qaadanaayo Xildhibaanada iyo Odayaasha Beelaha Hawiye.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Xildhibaanada iyo Odayaasha Beelaha Hawiye kala hadlaaya sida loo qaboojin lahaa xiisad Siyaasadeedka ka dhashay weerarkii lagu qaaday Hooyga Xildhibaan Cabdi Qeybdiid.
Kheyre ayaa dhinacyada uu la kulmaayo sharaxaad kasiinaaya culeyska ay la kulmeyso dowlada Somalia iyo dhacdadii ka dhacday Hooyga Qeybdiid.
Waxa uu ku qancinayaa in weerarkii ka dhacay Hooyga Qeybdiid uu ahaa mid aysan waxba kala socon, balse ay diyaar u yihiin inay Maxkamada soo taagan shaqsiyaadka lahaa weerarka iyo cida ka danbeysay oo lagu hayo baaritaan.
Kheyre waxa uu Odayaasha si gaara uga dalbanayaa inay isgarabtaagan dowlada Federaalka, halka ay garab uga yihiin dhinacyada mucaaradka, waxa uuna cadeeyay in dadaalkooda uu yahay keliya mid la doonaayo in lagu saxo khaladaadka jira.
Sidoo kale, Kheyre ayaa dhinacyadaasi u balanqaadaya inay saxayaan khaladaadka jira, balse waxa uu ku nuux-nuuxsaday in dowlada Federaalka ay sharciga la tiigsan doonto shaqsiyaadka loo arko inay caqabad ku yihiin amniga iyo xasilooni ka dhalata dalka.
Haddalka iyo kulamada uu wado Kheyre ayaa u muuqda mid ay dowlada Federaalka dawo ugu raadineyso khaladkii lagu weeraray Hooyga Xildhibaan Cabdi Qeybdiid oo xasaanad leh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]