Xog: Mursal oo damacsan qorshe baarlaman oo uu Kheyre ku lug leeyahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu wado qorsho lagu soo koobayo fadhiyada baarlamaanka Somalia.

Guddoomiye Mursal ayaa la sheegay inuu doonayo in aad loo yareeyo kulamada baarlamaanka si xukuumada Somalia ay uga badbaado Mooshino iyo khilaafyo kaga imaada dhank Xildhibaanada baarlamaanka.

Waxaa la xaqiijiyay in Guddoomiye Mursal uu dheereyn doono dib u dhacyo la qorsheeyay in lagu sameeyo kulamada caadiga ah ee uu yeelan jiray baarlamaanka, waxaana lasoo sheegayaa in qorshahaasi uu yimid kadib koror ku yimid Mooshinada Xildhibaanada mucaaradka.

Xogtu waxa ay tibaaxeysa in qorshahaani uu horboodayo Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo Xildhibaano ka tirsan garabka mucaaradka.

Sidoo kale, Kheyre ayaa walaac ka qabo kacdoon kaga imaada dhanka Xildhibaanada mucaaradka oo iyagu goor sii horeysay ku goodiyay inay xilka ka tuuri doonaan Ra’isul wasaare Kheyre oo ay u arkaan inuu caqabad ku yahay danahooda siyaasadeed, waxa uuna arrintaasi u arkaa inuu kaga badbaadi karo yareynta fadhiyada baarlamaanka si wakhtigiisa uu u dhameysto.

Ma cadda sida uu ku dhaqan gali doono qorshaha Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Mursal ay ku doonayaan inay ku cuuryaamiyan kulamada baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com