Xog: Mursal oo ka laabanaya go’aankii uu ka qaatay 15-ka xildhibaan + Sababta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa lagu wadaa inuu laabto go’aankii uu 15-ka xildhibaan uga joojiyay kulamada baarlamaanka, kaasi oo carro iyo hadal hayn badan dhaliyey.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in qaar ka tirsan xildhibaanada mucaaradka ah ay kulan la qaateen gudoomiye Maxamed Mursal intii uusan furmin kulankii maanta, ayna ka wada-hadleen xaaladii ka dhalatay go’aankaas 15-ka xildhibaan looga mamnuucay iyadoo lagu tilmaamay sharci darro.

Wararka ayaa sheegaya in kadib wada-hadalladaas uu Maxamed Mursal uu aqbalay in kulamadii Baarlamaanka ay si caadi ah u dhacaan, islamarkaana 15-ka xildhibaan ay kasoo qeyb galaan.

Waxaa sidoo kale arrintan gacan ka gaysanaya inuu fashilmay isku daygii muddo kororsi kadib markii ay beesha caalamka cadaadis saartay Mursal, sidaas darteed aysan hadda jirin cabsi uu Mursal ka qabo xildhibaanadaas.

Mursal ayaa dhawaan qoraal uu soo saaray waxa uu 15 xildhibaan ka mamnuucay fadhiyada golaha shacabka ee illaa 5-kulan, kadib markii ay Sabtidii hor-istaageen isku day muddo kordhin loogu sameyn lahaa Farmaajo.

Waddooyinka ku hareereysan agga madaxtooyada iyo xarunta Villa Hargeysa ayaa lasoo dhoobay ciidamo fara badan, kuwaas oo maanta ka celiyay 15-kii xildhihaan iney galaan xarunta, ayada oo si arrintaas loo fuliyo ciidamo badan lagu soo daadiyey waddooyinka caasimada, taasi oo dad badan layaab iyo lama filaan ku noqotay.

Mursal ayaa si aad ah ugu xiran Villa Somalia, wuxuuna inta badan ku shaqeeya rabitaanka madaxweyne Farmaajo, ayada oo wixii ka dambeeyey markii uu noqday afhayeenka baarlamanka uu golaha shacabka u rogay xafiiska ka tirsan madaxtooyada.