Xog: Musharax Xasan Shire Abgaal oo diiday soo jeedin ka timid Deni kadib doorashada

Garowe (Caasimada Online) – Saciid Cabdullahi Deni oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, ayaa kulan gaar ah isugu yeeray musharaxiintii kula tartantay kursiga, waxaana diiday inuu kulankaas ka soo qeyb galo hal musharax.

Musharaxaas waa Xasan Shire Abgaal, 3-sano ayuu wasiirka maaliyadda ka ahaa xukuumadii hore ee Madaxweyne Deni, balse intii uu socday loolanka doorashada wuxuu ahaa musharaxa ay isugu necebyihiin Deni.

Madaxweyne Dani ayaa Xasan Shire iyo 9 musharax oo kale kaga guuleystay tartankii doorashada ee maalin ka hor ka dhacay mqgaalada Garowe, wuxuuna noqday madaxweynihii ugu horeeyey Puntland ee mar labaad loo doortay xukunka.

Deni ayaa shalay xarunta madaxtooyada ku qaabilay musharraxiintii ay ku loolameen kursiga, isaga oo ku maamusay qado sharaf, basle Xasan Shire Abgaal ayaa diiday inuu ka soo qeyb galo kulankaas.

Sidoo kale musharax Xasan Shire uma uusan soo hambalyey Saciid Deni, waxaana ka dhexeeya khilaaf adag oo salka ku hayey doorashada Puntland, maadaama ay ahaayeen labo musharax.

Kulanka uu Saciid Deni la yeeshay musharaxiinta oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor iyo guddoonka Golaha Wakiillada.

Kulanka maanta oo la isaga saamaxay wixii lasoo maray, sidoo kale waxaa logu iclaamiyey kulan weyne kale oo Isimada dhaqanka Puntland ay ka soo qeyb gelayaan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Bashiir Cabdi ayaa yiri “Hoggaaamintu waa hido lagu laray farsamo aqooneed marka madaxweyne Deni inuu yahay hoggaamiye bisil waan qiray.”

Inta badan musharaxiintii ka soo qeyb gashay casuumaada ayaa Madaxweyne Deni igu duceeyey xukunka uu ku guuleystay, iyagoo ka badan qaaday inay kala shaqeyn doonaan sidii la isugu keeni lahaa dhinacyadii ku kala tegay ama isaga xumaaday doorashooyinkii ka dhacay Puntland.