Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaadey Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada qorshe halis badan leh oo ay ku taageerayaan saaxiibadiisa Itoobiya, kaasi oo uu ku doonayo in dib loogu dhigo doorashada illaa 2017.
Xasan ayaa qaba in doorashada loo riixo ilaa dhammaadka bisha labaad ee sanadka 2017, taasi oo uu arko fursad uu ku heli karo inuu ku qasbo xildhibaanada dib u doorashadiisa.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Xasan uu arrintan u sameynayo iyada oo heshiiska uu la galay Itoobiya ee ciidankooda labada kun lagu geynayo Muqdisho uu si rasmi ah u dhaqan galayo bisha Janaayo 2017.
Xasan Sheekh ayaa xarunta madaxtooyada iyo xarumaha muhiimka u ah doorashada iyo hoteelada laga abaabuli karo mucaaradadiisa waxa uu doonayaa inuu dhigo ciidankaas isaga oo xildhibaanada isugu daraya laaluush iyo caga jugleyn, islamarkaana aan ka baqayn in Amisom ay ka hortimaado qorshihiisa maadaama Itoobiya ay u joogayso madaxtooyada, islamarkaana uu banaanka dhigo ciidamada Uganda oo wel wel ka qabo.
Madaxweynaha ayaa doonaya Itoobiya la siiyo awoodda koowaad ee Amisom taasi oo caqabad ku noqon karta amniga guud ee dalka.
Madaxweynaha ayaa saddex mar ku guuleystay inuu doorashada dib u dhigo balse ma cadda haddii uu ku guuleysan doono qorshaha ah in dib loogu dhigo sanadka cusub, maadaama beesha caalamka ay aad uga soo horjeedo taas.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

