Xogta sababta ka dambeysa go’aanka shalay ka dhaqan-galay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay magaalada Muqdisho ka dhaqan-gelisay go’aan ay ku mamnuuceyso sameecadaha gadaal ka saaran mootooyinka loo yaqaan Bajaajta.

Ciidamada ammaanka ayaa shalay mootooyinka Bajaajta ee caasimada ka shaqeeya ka dejinayay sameecadaha, taas oo aan horey loogu sii wargelin ayna ka qeylo dhaamiyeen qaar kamid wadayaasha Bajaajta.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, amarkan ayaa waxaa soo rogay laamaha amniga, iyada oo sababta lagu sheegay inay ka qayb-qaadan karaan nabad-gelyo darrada, waxna lagu soo dhex qarin karo.

Arbacadii ayey aheyd markii laamaha ammaanka ay gacanta ku dhigeen gaari ay qarax kasoo buuxisay kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay rabeen inay ku waxyeelayaan shacabka degan caasimadda.

Gaarigan ayaa waxay kooxda kusoo xiryay sameecado ay walxo qarxa ku jiraan si aan loo fahmin, balse waxaa ugu dambeyn ku fahmay booliska oo fashiliyay, waana farsamo cusub oo kooxda u adeegsaneyso dhagarteeda.

Kooxda oo haatan wajaheysa cadaadis xooggan ayaa isku dayeysa inay la timaado hal abuur cusub oo ku fulin karto falalkeeda lidka ku ah amniga.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ka nasatay qaraxyada kooxda Al-Shabaab ka geysan jirtay, iyadoo laamaha kala duwan ee ammaanka ay dadaal badan ku bixiyeen xasiloonida caasimada.