Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka oo dhawaan ka soo baxday dagaal diblomaasiyadeed oo ay kula jirtay Itoobiya, ayaa hadda u muuqata in dagaal kale oo diblomaasiyadeed ay la galeyso dowladda Kenya.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Madoobe oo dowladda federaalka ku cunaqabateysay Kismaayo ayaa shalay u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Inkastoo safarka Axmed Madoobe uusan kala cadeyn in dowladda federaalka ay ogolaatay iyo in lagu xad-gudbay madax-banaanida Soomaaliya, hadana waxaa la werinayaa in safarkaas abuuray xiisad diblomaasiyadeed.
Ilo wareedyo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa maanta Caasimada Online u sheegay in warqad loo gudbiyay Safiirka Kenya u jooga Muqdisho, taas oo looga dalbaday in muddo kooban uu ku soo bandhigo jawaab ku saabsan “Tallaabadii sharci darada aheyd ee diyaarad laga leeyahay Kenya ay ugu soo xadgudubtay hawada Soomaaliya, iyadoo dansatay raadaarka oo ay ku qaaday shaqsi eedeysane ah oo Maxkamad ay dacwad ku soo oogtay,” Sida lagu yiri warqada ay qortay Soomaaliya.
Waxaa jira warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay u yeeratay Safiirka u jooga Nairobi Danjire Ibraahim Cabdulle, balse Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo qoraal soo saartay ayaa beenisay in Muqdisho u yeeratay Safiirkeedii Nairobi.
“Warka la wareejinayo baraha bulshada ee ku saabsan in aan ugu yeerannay Safiirkeena noo qaabilsan Kenya inuu yimaado Caasimadda Muqdisho waa war aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, balse ilo wareedyo muhiim ah ayaa maanta soo dusiyey warkaan.
Axmed Madoobe oo ah ninka Madaxiisa ay iskula dhacayaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa Kismaayo ku go’doonsanaa tan iyo markii uu ka baxay shirka golaha wadatashiga qaran ee dagaalka siyaasadeed iyo midka tooska ah uu la galay dowladda federaalka Soomaaliya.
Hadda wuxuu kulamo xasaasi ah ka wadaa Nairobi oo taageerayaal badan ay u joogaan, waxayna talo ku ciirsan tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo qorsheyneysa in dagaal diblomaasiyadeed ay ku qaado Kenya oo u bareertay inay ku xad-gudubto madax-banaanida Soomaaliya.