Xog: Sababta lagu doortay in Cali Guudlaawe lagu caleemo-saaro Beladweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ka taagan qallalaaso ka dhashay in Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe uu tago gobalka Hiiraan.

Shalay waxaa magaalada ka dhacay banaanbaxyo rabshada wata ilaa haddana waxaa taagan xiisad la xariirta safarka madaxweynaha, ayada oo maleeshiyo uu hoggaamiyo Jeneral lagu magacaabo Xuud ay sheegeen inay la dagaalami doonaan haddii uu yimaado.

Guudlaawe iyo maamulka HirShabelle ayaa doonaya in caleemo-saarkiisa madaxweynaha uu ka dhaco Beledweyne, waxaana Caasimada Online ay ogaatay sababta iyo qorshaha arrintaas laga leeyahay.

Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed” ayaa sheegay in sababta Beladweyne loogu doortay in munaasabada caleema-saarka lagu qabto ay tahay in loo soo wareejiyo xarunta maamulka ama laga dhigo, ayada ooh adda ay tahay Jowhar.

“Dastuurka waxa uu dhigayaa in caasimada lagu caleema-saaro Madaxweynaha marka Beladweyne waxay noqon doontaa caasimada rasmiga ah ee maamulka,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle.

“Caasimada iyo wasiirka arimaha gudaha haddii aan u keeni waayo shacabka Hiiraan aniga ayaa xilka ka tagaayo,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo la hadlay warbaahinta Beladweyne, xilli beeshiisa ay ku dhaliisay inuu xilkaas qaatay, xilli ay doonayeen xilka madaxweynaha.

Jeneral Xuud ayaa maamulka HirShabelle ku tilmaamay sharci wuxuuna ku dhaartay dagaal uu gobolka Hiiraan “uga xoreynayo” dowladda federaalka.