Xog: Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ‘lagu qanciyey’ shirka Dhuusamaareeb 3

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya inuu is-bedal ku yimid go’aankii diidamada ee Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ee ku aadanaa ka qeyb-galka wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb.

Siciid Deni ayaa la xaqiijiyey inuu maalmaha soo socdo ku biiri doono shirka Dhuusamareeb 3, kaas oo diirada lagu saarayo xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu cadaadis xoogan kala kulmay xubnaha beesha caalamka, gaar ahaan wakiilka ee QM ee Soomaaliya iyo safiirka Mareykanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saacadaha soo socda wafdi horudhac u ah Deni ay gaari doonaan magaalada Dhuusamaareeb, kuwaas oo ka qeyb-galaya shirka.

Wejiga saddexaad Dhuusamareeb oo si rasmi ah u furmay habeen ka hor ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynayaasha maamullada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho.

Inta badan shirar gaar-gaar ah oo ay yeesheen madaxdaas ayaa waxaa lagu gorfeeyey caqabadaha hortaagan shirka iyo sida looga gudbi karo, inkastoo illaa iyo hadda aysan isla gaarin wax go’aan ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka ama doorashooyinka soo socda.

Waxaa sidoo kale madasha ka maqan Jubbaland, balse waxaa lagu soo warramayaa in Axmed Madoobe uu isna tegayo Dhuusamareeb, kadib markii ay ku qancisay B/Caalamka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo natiijada ka soo bixi karta shirkan oo muhiim u ah doorashada 2020/2021-ka, si loo cadeeyo nooca ay noqoneyso, looguna heshiiyo.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad kala guur ah oo aad u adag, waxaana xaaladdu ay ka sii dartay markii la riday xukuumaddii ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.