Golaha ammaanka ee QM oo maanta kulan deg-deg ah ka yeelanaya Soomaaliya

SNew York (Caasimada Online) – Maanta oo Khamiis ah 20 August 2020-ka waxaa lagu wadaa in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay kulan deg-deg ah ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya oo haatan ku jirto marxalad kala guur ah oo la adaayo doorashooyin.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa dhacaya gelinka dambe ee maanta sida uu qorshuhu yahay, waxaana ka qeyb-galaya Xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya qrrimaha Somalia.

Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saarayaa arrimaha ammaanka iyo doorashada oo weli lagu muransan yahay, maadaama lagu kala aragti duwan yahay nooceeda.

Xubnaha ka qeyb-galaya shirka Golaha Ammaanka ayaaa si gaar ah u falanqeyn doono sida looga gudbi karo caqabadaha haatan hortaagan arrimaha doorashada ee 2020/2021-ka.

Waxa kale oo ay isha ku heyn doonaan shirka Dhuusmaareeb 3 oo ay ballantu tahay in lagu cadeeyo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa, laguna heshiiyo.

Golaha ammaanka kulanka ay ka yeelanayaan Somaaliya ayaa ku soo aadaya, xilli xaalad adag oo siyaasadeed lagu jiro, waxaana beesha caalamka ay digniintii ugu cusleyd ka soo saartay wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb oo la doonayo in lagu go’aamiyo doorashada.