XOG: Laba ka mid ah wasiiradii ugu dhowaa R/W Kheyre oo la awood tiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaa hoos loo dhigay awoodda laba ka mid ah wasiiradiisa aadka ugu dhowaa.

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa awoodooda hoos loo dhigay waxaana sababta lagu sheegay in labadooduba ay saaxiib dhaw la ahaayeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ducaale iyo Sabriye ayaa ka dhiidhiyey xil ka qaadistii Kheyre, waxaana la sheegay inaysan tegin kulamada golaha wasiirada wixii markaas ka dambeeyey.

Arrintaan ayaa ka dhigan in meesha laga saaray Xasan Cali Kheyrre, Maxamed Abuukar Islow iyo Cabdi Maxamed Sabriye oo dhamaantood Beesha Hawiye ku matala xukuumadda iyo awoodaha kale ee ugu muhiimsan dowladda.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed uu awooda shaqada ku wareejiyay wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha wasaaradahaasi iyo kuwa kalaba waxaana sababta ugu weyn lagu sheegay in dadka culeeska la saaray ay ahaayeen shaqsiyaad aad ugu dhaw Ra’iisul Wasaare Kheyrre.

Labadan wasiir ayaa xilka laga qaadi lahaa, balse maadaama uusan weli jirin ra’iisul wasaare, Mahdi Guuleedna uusan lahayn awood uu ku magacaabo wasiir, waxaa qasab noqotay inay xilka magac ahaan un usii hayaan, balse shaqadooda loo wareejiyo dad kale.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho aad looga hadal haayaa arintaan waxaana la sheegayaa in Madaxweynaha iyo sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha ay beegsanayaan saaxibadii Xasan Cali Kheyre.