Iran oo qabsatay markab uu leeyahay Imaaraadka iyo xiisad cuslus oo taagan

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa qabsatay Markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo toddobaadkan kusoo xadgubay biyaheeda, waxaa sidaas maanta sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Iran.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in ilaalada xeebaha Imaaraadka Carabta ay dileen laba kalluumeysato oo Iranian ah.

Xiisad ayaa sare uga sii dhex kaceysay labadan dal tan iyo toddobaadkii tegay markii Imaaraadka Carabta ay Israel la galeen heshiis ay ku aas-aasteen xiriir diblomaasiyadeed.

“Isniintii, Markab Imaaraati ah ayaa waxaa qabtay ilaalada xuduudaha Iran, waxaana la xabisay shaqaalihii saarnaa sababo la xiriira inay kusoo xadgudbeen biyaha dalkeena,” waxaa sidaas lagu sheegay bayaan laga aqriyey taleefisihinka dowladda Iran.

“Isla maalinkaas, ilaalada Imaaraadka Carabta waxay dileen laba kalluumeysato oo u dhashay Iran, waxayna qabsadeen doontooda.”

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Iran ay u yeertay wakiilada Imaaraadka Carabta ee Tehran, si loogala hadlo dhacdadan.

Wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta way diiday inay jawaab ka bixiso dhacdadan.