Xog: Saraakiil la xiray iyo halka ay ka gudbeen Shabaab-kii fuliyay weerarka Hotel SYL

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xogo dheeraad ah laga helaya weerarkii saacadaha qaatay ee xalay dagaal-yahaano ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Shabaab-kii fuliyay weerarka iyo gawaarida ay wateen ayaa kasoo gudbay barta-kontorool oo ku yaalla isgoyska Sayidka, sida ay muujineyso baarista hordhaca ah ee ay wadaan laamaha amniga.

Kontoraalka Sayidka ayaa ah kontroolka ugu adag ee laga ilaaliyo xeyndaabka Madaxtooyada, waxaana soo baxeysa in weerarkan la fududeeyay, maadaama aan halkaasi laga gudbi karin bilaa ID-card, ayna adag tahay in qof iska caadi ah uu ka gudbo.

Sida ay muujinayaan kaamiradaha, mid kamid gawaarida ay wateen kooxda ayaa kasoo gudbay isgoyska Sayidka, ayada oo markii uu kontoraalka kasoo gudbay ay dhexda ka raaceen maleeshiyaad kale.

Illo-wareedyo ka tirsan hay’ddaha amniga ayaa waxay sheegayaan in gaariga koowaad ee qarxay uu baakina meesha banaanka ah ee gudaha hoteelka, kadibna uu ku dhuftay albaab isla gudaha hoteelka ku yaalla.

Gaariga labaad oo ahaa nooca loo yaqaan qooqanta, ayaa markii qaraxa koowaad dhacay waxa uu isna ku qarxay albaabka hoteelka ee banaanka hore.

Xogaha aan helayno ayaa intaasi kusii dareysa in weerarkan loo xiray saraakiil ka tirsan ciidanka iyo askar kamid aheyd kuwii ku sugnaa barta-kontorool ee laga soo gudbay.

Waxaa la rumeysan yahay in saraakiil sare ku lug lahaayeen weerarkan iyo soo deysmadiisa. Waxaana soo baxeysa in gawaarida weerarka lagu fuliyay in midkoodna aysan qaraxyada gudihiisa lagu soo diyaarin, balse ay ahaayeen qaraxyo caadi loo soo saaray.

Baarista weerarkan ayaa socota, waxaana si weyn uga qeyb qaadanaya baaristan kaamiradaha amni ee ku xiran magaalada Muqdisho, taasi oo hadda ka socota xarunta Taliska Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka, halkaasi oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.