29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Xog: Shariif Xasan oo Xasan kala shaqeynaaya…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh uu wado qorsho uu Madxaweynaha Somalia Xassan Sheekh kala shaqeynaayo arrimaha Doorashooyinka ee soo socda.

Wada hadal dhexmaray Madaxweyne Xassan iyo Shariif Xassan ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in labada Mas’uul ay si toos ah uga wada hadleen ololaha Doorasho, waxaana lasoo sheegayaa in dalabka qorshahaasi uu yahay mid ka imaaday dhanka Xassan Sheekh.

Madaxweyne Xassan ayaa Shariif Xassan ka codsaday in si hagar la’aan ah uu kala shaqeeyo wadadii u suuragalin laheyd in mar kale uu kusoo laabto madaxtinimada dalka.

Heshiiska labada mas’uul ayaa waxaa barbar socda ballanqaadyo ay wada sameysteen, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda Shariif Xassan uu soo gaaro magaalada Muqdisho, si ay isku arkaan Madxaweyne Xassan Sheekh.

Shariif Xassan ayaa miisaan Siyaasadeed ku dhex leh Baarlamaanka Somalia, waxaana ku daba feylsan Xildhibaano aad u farabadan kuwaasi oo galaangal ku dhex leh Baarlamaanka.

Xassan Sheekh iyo Shariif Xassan ayaa iminka si gaar ah uga wada hadli doona Xildhibaanada cusub ee imaan doona iyo qaabka ay ula shaqeyn doonaan Xassan Sheekh.

Lama oga sida ay labada mas’uul kuwada shaqeyn doonaan, waxaana xusid mudan in Shariif Xassan doorashadii lasoo dhaafay uu Doonta la gadiyay Madxaweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News