Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan kulamo aan caadi aheyn oo u dhexeeya madaxda ugu sareysa dalka iyo Odayaal kasoo kala jeeda dhowr beel.
Kulamada socda ayaa la sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka ay ugu gogol xaarayaan qaabka lagu soo dhisi lahaa Baarlamaanka Cusub ee badali doona kan iminka shaqeeya.
Kulamada oo si gooni gooni ah u socda ayaa waxaa Odayaasha looga codsanayaa inay ka fiirsadaan shaqsiyaadka ay usoo xulan doonaan Baarlamaanka Cusub, waxaana taasi barbar socda kulamo hoos iska taabat ah oo Madaxdu ay ku tashkiilinayaan Odayaasha.
Odayaasha kulamada la qaadanaaya Madaxda ayaa sidoo kale looga digayaa inay la imaadan shaqsiyaad caqabad ku noqonkara Madaxweyne Xassan.
Odayaasha ayaa waxaa sidoo kale laga dhaadhicinayaa in Madaxweyne Xassan ay garab ku siiyaan Doorashada soo socta iyaga oo kasoo dhisi doona dhanka Shaqsiyaadka ay u aqoonsanayaan kamid ahaanshiyaha Baarlamaanka cusub.
Madaxweyne Xassan ayaa durbadiiba ku dhaqaaqay olole si qarsoodi ah u socda, waxa uuna juhdi ballaaran ku bixinayaa sida uu mar kale ku noqon lahaa Madaxweynaha Somalia, inkastoo Beesha Caalamka aysan raali ka aheyn in Xassan uu soo laabto.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

