Xog: Shirkii Abu Dhabi oo Nairobi loo soo raray (Maxaa dhacay?)

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa mar labaad ka furmay shirkii Abu Dhabi kiisii labaad magaalada Nairobi. Shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ah Safiirka Imaaraadka Maxamed Cusman.
Dowladda Kenya, RW CCC, Shariif Xasan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Axmed Madoobe.

Shirka oo ka dhacay hotelka Crown Palaza ayaa waxaa lagu gaaray heshiis in kursiga madaxweynaha iyo RW lagu taageero CCC iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Ujeedka taageerada ayaa ah in aay dhameystiraan heshiiska badda ee sanadkii 2009 aay u saxiixeen dowladda Kenya.

Shariif Xasan oo markaa dalaal ka ahaa sanadkii 2009 heshiiskaas, ayaa haddana ah dalaalka ugu weyn kaasoo lacag farabadan ku qaadanaya in uu keeni
doono dhammaan xildhibaanada Digil & Mirifle kuwaasoo u codeyn doona RW CCC.

Shirkaa ayaa waxaa lagu ballansan yahay in dib leysugu soo noqdo caa saacadu markaay tahay 8:00 fiidnimo.

Arrinta dooarashada Soomaaliya ayaa iminka mareysa xaalad ah (NINKII DHIIG LAHOOW KAC). Waana ayaan darro in maanta kursiga Madaxweyne aay waddamo
shisheeye beecinayaan.

Caasimada Online
xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

badda-1 badda55 copy