Xog: Sidee ayey u dhacay is rasaaseyntii dhex martay Nabad Sugidda iyo ilaalada xildhibaan Cabdullaahi?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shalay Galab Waxay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Viat is rasaaseyn ku dhex martay ciidamada Nabadsugidda ee halkaas koontaroolka ku leh iyo Ilaalada Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sida ay dad goobjoogayaal ah u xaqiijiyeen Caasimadda Online, Xildhibaanka ayaa watay gaari  Cabdi Bile ah oo ay saaran yihiin ciidan iyo gaari aysan karin Xabadda.

Waxaa ugu horreeyey gaariga Cabdi Bilaha ah oo si xooli ah ku dhaafay Koontaroolada Ciidamada Nabadsugidda waxayna arrintaas keentay inay ciidamada halkaas joogay rasaas ku furaan, waxayna rasaasta socotay xoogaa.

Markii la is rasaaseeyey kadib, Xildhibaanka oo saarnaa gaariga aysan Xabadda karin isla markaasna daba socday gaariga Cabdibilaha ah ayaa ciidamada u sheegay inuu gaarigaan yahay mid isaga la socdo isla markaasna uu yahay Xildhibaan ka tirsan dowladda.

Kadibna waxaa sidaas ku istaagtay rasaastii socotay, waan waan iyo is afgarad kadib waxaa loo ogolaaday Xildhibaanka iyo ilaaladiisa inay meesha ka gudbaan.

Wararka qaar ayaa sheegayo in is rasaasseyntaas ay ka dhalatay 3 dhaawac ah oo laba mid ah ay yihiin ciidamadii Nabadsugidda ee koontaroolkaas ku sugnaa halka midka kalana uu ahaa ilaalada Xildhibaanka.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal ayaa sheeg in si bareer ah loo beegsaday.

Sidoo kalana Weli dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin falkaas dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com