Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Takuraq iyo Muse Biixi oo sheegay in dhinac walba laga soo weeraray

Takuraq (Caasimadda Online) – Wararka maanta kasoo baxaya deegaanka Tuka-raq ee lagu muransan yahay ayaa sheegaya in dagaal uu dib uga qarxay halkaas, kaas oo u dhexeeya ciidammada Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo ciidammada Puntland.

Ilaa hadda lama ogo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq.

Taliyaha guud ee ciidammada militariga Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa BBC-da u sheegay in dagaal u dhexeeyo ciidammada Somaliland iyo Kuwa Puntland uu subaxnimadii saaka ku dhexmaray aagga laisgu khilaafsan yahay ee Tuka-raq oo ka tirsan gobolka Sool.

Taliyaha ayaa ku eedeeyay ciidamada Puntland inay weerar kusoo qaadeen saldhigyada ay ciidankoodu halkaas ku lahaayeen xilli ay difaac ku jireen, waa sida uu hadalka u dhigay ee.

Wasiirka warfaafinta Somaliland C/raxmaan Guri-Barwaaqo ayaa sheegay in sababta loo soo wareeray tahay inay doonayeen inay ka faa’iidaysta inta lagu mashquulsan yahay daad gureynta dadkii duufaantu ku wax-yeelaysay goboladda Galbeedka.

“Saakay lixdii subaxnimo ayaa ciidamada maamulka cago jiidka ah ee dawladda fadaraalka Soomaaliya isku dayeen inay soo weerarraan ciidamdaa qaranka ee uu fadhigoodu yahay jiida hore ee Tuka-Raq, iyaga oo is leh ka faa’iidaysta xilliga ay reer Somaliland dad iyo dawladba
ku hawlan yihiin sabatabixinta dadkii ku tabaaloobay dufaanadii ka dhacay Somaliland”ayuu yiri Guri Barwaaqo oo ka hadlayey dagaalkii saaka dhacay Tuka-Raq.

Wasiirku kama hadal khasaaraha uu dhaliyey dagaalkaasi, hasse ahaatee waxaa uu xusay uun in ay is difaaceen oo ay dib u riixeen ciidankii soo weeraray.

Dhanka kale, war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in ciidammada Somaliland ay aroornimadii saaka dagaal ku qaadeen ciidanka Puntland ee joogay Tuka-raq islamarkaaasna mas’uuliyadda weerarkaasi ay dusha u ridanayso Somaliland.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in duullaan uu uga imaanayo dhanka Hargeysa balse ay iska difacaayaan, waa sida lagu sheegay warka kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Dagaalka Tuka-raq ayaa indhawaalaba socday, labada dhinacna midba midka kale ayuu ku eedeynayaa dagaalka.

Waxaa jiray baaqyo caalami ah oo lagu dalbaday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

Dhawaan ayay ahayd markii ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating uu booqasho ku kala bixiyay Puntland iyo Somaliland isaga oo ku baaqay in colaadda la joojiyo wadahadalna lagu dhammeeyo.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta gaarey deegaano ay duufaanta ku dhuatay ee Bariga Soomaaliland ayaa si kulul uga hadlay dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Muuse Biixi ayaa sheegay in haatan ay ku mashquulsan yihiin samatabixinta dadkiii ku waxyeeloobay roobabkii duufaanta watay ee ka da’ay bariga Soomaliland laakin weerar gardaro ah lagu soo qaaday.

“Anaga oo ku jirna gurmad ayaa waxaa weerar nooga yimid Soomaaliya halka Soomaali kale ay kacaawineyso,laakin waxay ahaataba waan is difaaceynaa mana jirto cid hor istaagi karta horumarka soomaaliland,dagaalka socda dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah ayaa jira laakin soomaaliland marwalba weey iska difaaceysaa weerraka uga yimid Soomaaliya ayuu yiri Muuse Biixi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com