XOG: Sir ku hoos duugan ansixintii Baarlamanka ee Ra’iisul Wasaare Saacid oo aan helnay.

By Asad Cabdullahi Mataan

Sida aan wada ogsoonahay dhamaanteen Baarlamaanka Soomaaliya ee hada joogo waa mid ku yimid qaab soo xulitaan odayaalo dhaqameed ay soo xuleen, balse soo xulitaankaas waxaa loo galay tartan aad u weyn kaasoo ugu dambeyntii ku dhamaatay in ninkii lacagta ugu badan bixiyaa uu helayo xubin nimada Baarlamaanka, qofkii aan si fiican ula soconin arintaas wuxuu ku fikirayaa toloow Baarlamaankan lagu sheegayo inay wada aqoonyahano yihiin miyaa lacag bixiyey? haa wey bixiyeen danta ayaana ku kaliftay maxaa yeelay wadada kaliya baa ahayd in lacag la bixiyo.

Marka qof lacag ku bixiyey xilka uu qabanayo sababta lacagta uu u bixiyey wey iska cadahay taasoo ah isagana inuu helo lacagtiisii iyo damiciisii ahaa inuu dhaqsi ku taajiro, in kastoo hadane aanan ladhihi karin damacaas ah lacag doonka xildhibaanada o dhan baa ka siman hadane way jiraan kuwa yar oo ka bad baaday balse tiro ahaan ma badna marka lala bar bar dhigo tirada guud ee baarlamaanka.

Arinta kale ee u baahan in aan ku baraarugsanaano ayaa ah in durbadiiba la bilaabay si dhaqsi ah in la jabiyo Axdigii la dhigtay iyo Dastuurkii la qortay qodob ka mid ah, kaasoo sheegaya in Baarlamaanka la hor keeno Ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirada si isku mid ahna codka ansixinta loogu qaado, balse taas badalkeeda waxaa dhahcday in Baarlamaankii laga dhaadhiciyey inay ra’iisul wasaaraha kaligiis ansixiyaan marka hore ka dibna golihiisa wasirada mar kale ansixiyaan.

Sababta sidaas loo sameeyey ayaa ah 2 arimood.

1-Tan koowaad ayaa ah in hadii hal mar la isla keeno raiisul wasaraha iyo golihiisa wasiirada ee Baarlamaanku uu ansixin waayo ay dhabar jab iyo howl kale ku noqoneyso madaxweynaha,dalkuna uu ra’iisul wasare la’aan ahaanayo mudo, taasoo weliba hakad galin karto iyo niyad jab dowlada cusub.

2-Sababta labaad ayaa ah dan Baarlamaanka ugu jirto inay marka hore ansixiyaan ra’iisul wasaraha kaligiis ka dibna ay ka qal qaalsadan sidii xildhibaan walba uu wasiir u heli lahaa, waxaadna ogaataan waa sababta keentay in xildhibaanadii goobta joogay oo dhan ay u wada codeeyeen ansixintii ra’iisul wasaraha.

Dhamaan Xildhibaanadana waxay doonayaan xil wasiirnimo taasoo noqon doonto caqabad sidii la isku waafajin lahaa in xildhibaanadii oo dhan la qanciyo in wasiirada lasoo magacaabi doono oo qiyaas ahaan lagu sheegay 18 wasiir.

Xildhibaanada qaarkood ayaa ku booteynaya inay dowlad kasta ee la soo magacaabo aysan ansixin doonin hadii ay mesha ka wayaan sida ay doonayaan.

Arimaha socda oo dhan markaad loo fiirsado waxaad ogaaneysaa in weli dantii shaqsiga iyo tii Qabiilka ay ka horeyso dantii guud. waana sababta Qarankeenii cidlada dhigtay, balse hadii qof walba ka fikiri lahaa danta guud dowlad kasta oo la soo dhisaa si dhaqsi ah bay u talaabsan lahayd.