Muqdisho (Caasimada Online)-Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa Hoteelada magaalada Muqdisho laga dareemayaa kulamo is xigxiga oo u dhexeeya Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin iminka xilal ka haya DFS, kuwaasi oo gabi ahaan ka tirsan Kooxda Damul-jadiid.
Hoteelada uu shirarka ka kala socdo ayaa waxaa kamid ah Hoteel Makka Al-mukarama iyo Jazeera kaasi oo ay uga arrinsanayaan arrimo la xiriira amaanka iyo doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.
Shirarka socda ayaa waxaa kamid ah Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Dowlada, waxaana sidoo kale wehliya Siyaasiyiin miisaan ku leh Dowlada kana tirsan isla Kooxda.
Shirarka ayaa waxaa intiisa badan xooga lagu saarayaa sida ay mar kale Kooxda u hana laheyd kursiga Qaranka, inkastoo warar hoose ay tibaaxayaan inuu jiro khilaaf ka taagan tirada mas’uul ee dhankooda iska soo sharixi doonta.
Qaarkood ayaa qaba in doorashada laga qeybgaliyo mas’uuliyiin ku cusub saaxada, si aan loogu fashilmin doorashada, halka qaarna ay qabaan in doorashada ay uga qeybgasho ilaa 3 mas’uul oo uu kamid yahay Xassan Sheekh.
Laba kamid ah musharaxiinta ayey soo jeediyeen in laga dhigo ganacsato, inkastoo qodobkaasi ay isku khilaafen mas’uuliyiinta.
Sidoo kale, shirarka iminka socda, ayaa waxaa lagu uruurinayaa ra’yiga shaqsiyaadka miisaanka ku dhex leh Kooxda, waxaana sidoo kale ra’yigaasi ugu danbeyntii go’aan ka gaari doona guddi hoosaad ay dhexdooda iska xuleen.
Dowlada iminka jirta ayaa waxaa inta badan lagu xantaa inay ku fashilantay Siyaasada, Amniga iyo xiriirka dibada, waxa ayna su’aashu tahay Caalamku raali maka noqon doona in mar kale Somalia ay ka taliyaan Kooxda iminka kursiga ku fadhisa ee loo yaqaan ”Damul-jadiid”.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

