Xog: Taliye cusub oo maanta la wareegay hoggaanka NISA ee Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-Sugida gobolka Banaadir Cilmi Maxamed Baruuke ayaa maanta xilka la wareegay, kaasi oo horey xilka ugu sii hayey hab ku-sime ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Magacaabista taliyaha cusub ayaa imaneysa kadib mudo bilooyin ah oo uu booskaasi bannaanaa, markii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u magacaabay Muxiyaddiin Warbac Shadoor, hase ahaatee waxaa magacaabistaasi burburisay heshiiskii Rooble iyo Farmaajo wada galeen ka hor kala tagooda.

Magacaabistan ayaa sidoo kale ka dhigan in taliyihii hore ee NISA Yaasiin Farey uu si rasmi ah u xalaaleystay xilka taliyaha guud ee NISA, oo heshiiska Farmaajo iyo Rooble qeyb ka aheyd inuu si ku-meel gaar ah u hayo inta laga magacaabayo taliye kale.

Heshiiskaas oo yimid kadib dagaal xooggan oo dhex maray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa u muuqda inuu xooggiisa uu ku adkaaday Farmaajo, maadaama inta badan qodobadii isaga uu rabay la fuliyey halka kuwii Rooble aanay waxba ka fulin.

Qodobka ugu weyn ee Rooble ku dheganaa ayaa aheyd in xilka NISA loo magacaabo shaqsi dhex-dhexaad ka ah labada dhinac oo lagu heshiiyey, balse dhowr bil kadib heshiiskaas weli ma muuqato in la fuliyey.

Hay’adda NISA ayaa bilihii dhowaa waxqabadkeedu liitay, ayada oo ay kordheen weerarada iyo qaraxyada Muqdisho, waxaana sababta lagu sheegay inay hay’adda ku mashquushay arrimo siyaasadeed, ayada oo taliyaheeda uu noqday xildhibana federal.

Taliye cusub Cilmi Maxamed Baruuke ayaa la filayaa inuu wax weyn ka qabto amniga caasimadda, xilli doorashada madaxweyne la filayo inay ka dhacdo magaalada bilaha soo socda, gaar ahaan May ama June.