JUBALAND oo soo saartay liiska iyo go’aan ku saabsan kuraasta taalla Garbahaarey

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa caawa shaaciyay liiska 16-ka kursi ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Garbahaarey.

Warqad ka soo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in doorashada 16-kaan kursi la qaban doono muddo 2 todobaad gudohood ah, in kastoo aan la shaacin deegaanka lagu qabanayo.

Weli lama shaacin wax xal ah oo laga gaaray khilaafkii ka jiray maareynta doorashada Garbahaarey, waxaana dhamaaday oo maanta ku ekaa waqtigii loo asteeyey in lagu soo gabagabeeyo doorashada baarlamaanka.

Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo tilmaamaya in la qorsheynayo in doorashada 16-kaas kursi loo wareejiyo degmo kale oo Jubbaland ka tirsan, maadaama Garbahaarey la isku raaci waayey.

Warqadda ka soo baxday guddiga doorashada Jubbaland, kuma cadda halka lagu qabanayo doorashada kuraastaas iyo waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo, markii laga reebo in balan qaadku yahay in laba todobaad gudahood laga qaban doono.

Hoos ka akhriso warqadda