Xog: Taliyeyaal ciidan iyo saraakiil isbaarooyin dhigtay Muqdisho iyo duleedkeeda 

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xaqiijisay in saraakiil sare oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay lacago ka qaataan Isbaarooyin ay ciidanka dowladda dhigteen waddada xariirsa Muqdisho iyo Afgooye, iyo sidoo kale xaafado ka mid ah Muqdisho. 

Isbaarooyinka yaalla gudaha Muqdisho ayaa ku teedsan wadada aada Ex Contarol Balcad ama xaafado kamid ah degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, waxaana dadweynaha looga qaadaa lacag u dhaxeysa $2 ilaa $10, iyadoo lacagta ugu badan laga qaado gaadiidka dhagaxa iyo ciidda lagu raro. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaan ku ogaanay in toddobaadkii lacag laga siiyo saraakiil sare oo ka tirsan booliska Soomaaliya dhammaan Isbaarooyinka yaala Muqdisho iyo duleedkeeda. 

“Laba taliye oo ah kuwa sar sare ayaa todobaadkii midna waxaa la siiyaa $300 halka kan kalane la siiyo $500, waana Isbaarada taalo duleedka Muqdisho oo kaliya, halka kuwa gudaha ay qaataan saraakiil hoose laakiin ku xiran kuwa ka sarreeya,” ayuu yiri mid kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir oo la hadlay Caasimada Online. 

Afar maalmood ka hor ayaa la qaaday Isbaarooyinka yaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye kadib markii warbaahinta Muqdisho ay baahiyeen warar la xariira in halkaas dadka lagu dhibaateeyo. 

Jahwareerka siyaasadeed ee xilliga kala-guurka ayaa saraakiil badan ay kaga faa’iideysanayaan inay lacag ku urursadaan, ayaga oo rumeysan inaan lala xisaabtami karin, islamarkaana haddii ay dowlad cusub timaado xilka laga wadi qaadi doono.