23.9 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Xog: Thaabit oo caawa saqda dhexe xil ka qaadis sameyn raba iyo degmooyinka ay seefta saaran tahay!

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa la filayaa inuu caawa saqda dhexe xilli Muqdisho uu qaar ka tirsan Guddoomiyayaasha Gobolka Banaadir xil ka qaadis ku sameeyn doono sida ay Caasimadda Online caawa xogta ku heshay.

Guddoomiyaha ayaa la filayaa inuu xilka ka qaado 5-7 guddoomiyaal degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir, waxayna Caasimadda Online heshay degmooyinka ilaa hadda la hubo kuwaas oo guddoomiyayaashoda xilka laga qaadi doono.

Halkaan hoose ka akhriso liiska degmooyinka guddoomiyayaashooda xilka laga qaadi doono:

1) Warta Babadda

2) Xamar Jajab

3) Hodan

4) Howlwadaag

5) Cabdicasiis

Sidoo kalana waxaa ilaa hadda la isla dhex marayo inay kamid tahay degmada Yaaqshiid inkastoo aan weli helin xaqiiq rasmi ah.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waan idinla socodsiin dooonaa Inshaa Allah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News