Xog: Turkiga oo Farmaajo kala hadlay siyaasad u adeegsiga ciidamada Gorgor

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa toddobaadkan soo gaaray cutub ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee loo yaqaano Gorgor, waana cutubka 15-aad oo tababar kusoo qaatay wadanka Turkiga.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in dowladda Turkiga ay kala hadashay Farmaajo oo muddo xileedkiisa dhamaaday inaan siyaasad loo adeegsan ciidamada Gorgor iyo Haramcad, sida ay horay u sameeyeen Mareykanka oo diiday in ciidamada Danab loo adeegsado qalalaasahii ka dhacay Muqdisho.

Sarkaal magaciisa la qariyay ayaa dhowaan u sheegay wargeyska Washington Post in Mareykanka ay ku gacan seyreen codsi uga yimid Farmaajo kaas uu ku dalbaday inuu Muqdisho kusoo daabulo Danab, waxaana taa beddelkeed caasimadda la keenay Gorgor iyo Haramcad oo shacab dibad-baxayey ku dilay magaalada.

Ma cadda, haddii Farmaajo yeeli doono codsiga Turkiga, waxaana xusid mudan in dowladda Turkiga ay dhowaanahan isku dhowaayeen madaxweynaha waqtigu ka dhacay, ayada oo ka tagtay dhex-dhexaadnimadii ay ku jeclaadeen shacabka Soomaaliyeed.

Imaatinka ciidamadaan waxey kusoo aadeen xilli mucaaradka ay dood badan ka qabaan hab adeegsiga ciidamada qaranka, waxeyna madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ku eedeeyeen inuu si baalmarsan sharciga u isticmaalay ciidanka, iyadoo laga tusaale qaadanayo wixii dhacay 19-kii February.

Ciidanka Gorgor iyo kuwa Haramcad waxaa tababarkooda iyo xoojintooda qaabilsan Turkiga oo ku tababara gudaha dalka iyo banaankaba, waxaana la diyaariyay ciidan xoogan oo awood u leh iney sugaan ammaanka caasimadda.

Si kastaba walaac badan ayaa laga qabaa ciidamada ay dowladda Turkiga tababarta, maadaama aan loo adeegsaneynin dano qaran ee shakhsiyaad ay hogaanka u hayaan, waxaana muuqaneysa iney taasi tahay ku tumasho dhanka dastuurka iyo sharciga ah sidey leeyahiin dadka siyaasadda u dhuun duleela.

Ciidamada waxey masuul ka yahiin nabad galyada, waana iney ka dhex baxaan siyaasadda ayey ku taliyeen dadka kasoo horjeeda siyaasadda madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday, kaas oo muddo bil ah si sharci ah darro ah ku jooga aqalka looga taliyo dalka.

Ugu dambeyntii dhaqanka FARMAAJO ee soo shaac baxay markii uu muddo xileedkiisa dhamaaday waxaa dib u dhac u arka mucaaradka, iyadoo la fiirinayo adeegsiga ciidamada iyo xaq dhawr la’aanta dastuurka maadaama uusan wali ogolaan inuu yahay xukuumad xil heyn ah.