Xog: Wafti Somaliland ka socda oo socdaal qarsoodi ah ku jooga Muqdisho

MUqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa maalintii labaad ku sugan magaaladan Muqdisho, ee caasimada Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Socdaalka wasiirka ayaa ah mid qarsoodi ah oo aanay shaacin dowladda Soomaaliya, waxaase Caasimada Online u xaqiijiyey ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan dowladda.

Waftigan ayaa la sheegay inuu soo diray madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, balse illaa iyo hadda ma cadda ujeedka ay u joogaan magaalada Muqdisho.

Ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in waftigan ay kulamo la qaateen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, balse lama oga waxyaabihii ay ka wada-hadleen.

Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa sidoo kale sheegaya in uu ka qaybgalay Shir lagaga hadlayay amniga Soomaaliya oo ka dhacay Muqdisho. Wasiirka ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu ka dhoofi doono magaalada Muqdisho.

Wasiiku hadda waxa uu ka midyahay hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye.