24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

XOG: Wararkii ugu dambeeyey wada-hadallada Garoowe iyo R/W CC oo Gaas ka dalbaday inuu..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid, Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas ay isla meel dhigeen in maalmo dheeri ah lagu darro wada-hadalka.

Wararku waxa ay sheegayaan inay isla garteen in muddo Seddex maalin oo dheeri ah lagu darro wada-hadalka oo xiligaani maraayo meel xasaasi ah.

Seddexda maalin dheeriga ah ayaa lagu soo waramayaa inuu dalbaday Ra’isul wasaaraha dalka oo isagu ku jahwareersan wada-hadalka uu kula jiro labada Mas’uul ee kala hogaaminaayo maamulada bahoobay ee Jubba iyo Puntland.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa ku andacoonaayo in arragti ahaantiisa uu weli qabyo yahay wada-hadalka loona baahan yahay in la helo maalo dheeri ah si loo lafa-guro wada-hadalka qabyada ah.

Dalabka maalmaha dheeriga ah ayaa imaanaya iyadoo Maamulada Jubbaland iyo Puntland ay si cad u diideen aqoonsiga maamulka Galmudug iyo guddiyada xuduudaha iyo doorashooyinka.

Shirka oo u muuqda mid lagu dhaqan galinaayo baahiyaha Shaqsiyaad gaar ah, ayaa waxaa hadana suuragal ah in mirra dhalka kulankaasi uu noqon doono mid xili waliba u baahnaan doono dhameystir oo aan halkiisa dhaafin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60